SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
17/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Faah faahinta Iska horimaad khasaare dhimasho geystay oo ka dhacay Cadaado iyo Xiisad Wali ka taagan

 

Wararka naga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug ayaa waxaa ay sheegayaan in iska horimaad geystay khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac uu ka dhacay Halkaasi.

Ciidamo ka tirsan Nabad suggida Galmudug ayaa weerar ku qaaday Guri ay ku shiraan Baarlamaanka maamulka Galmudug oo ku yaalla duleedka Magaalada Cadaado, waxaana halkaasi ku sugnaa ciidamo boolis ah sida ay sheegeen Wariyaal ku sugan Cadaado.

Inkastoo dadka degaanka ay inoo sheegeen in aysan joogin goobta xildhibaanada hadana waxaa u diiday ciidanka Nabad suggida in ay xaruntaasi galaan ciidamo boolis oo halkaasi joogay.

Inta la xaqiijiyay labo qof ayaa ku dhimatay , halka saddex kalena ay ku dhawaacmeen iska horimaadkaasi.

Ciidamada Booliska Galmudug ayaa la sheegay in ilaalo ka haayeen goobta ay ku shiraan xildhibaanadii sheegay in ay xilka Ka qaadeen Madaxweyne Guuleed.

Magaalada Cadaado ayaa hadda waxaa ka taagan xiisad.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®