SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
17/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Kooxo hubeysan oo toogtay 8 Askari 3 kalena dhaawacay

 

Ugu yaraan 8 Askari ayaa la xaqiijiyay in ay ku dhinteen ka dib markii kooxo hubeysan ay weerar ku qaadeen ciidamo boolis ah oo ka tirsan dowladda Masar oo ku sugnaa gobolka New Vellay ee dalkaasi.

Weerarka ayaa ka dhacay Barkontarool oo joogeen ciidamadaasi, waxaana sidoo kale dhaawacmay 3 kale.

Weerarka ayaa dhacay Xalay sida uu baahiyay Tv-ga dowladda Masar.

Wasiirka arimaha gudaha Masar ayaa sheegay in la toogtay labo ka mid ah Kooxihii weerarka soo qaaday.

Ilaa iyo hadda ma jirto cid lagu eedeeyay in ay ka dambeysay weerarkaasi.

Todobaakii lasoo dhaafay ayay aheyd markii kooxo hubeysan ay dileen 13 askari oo ka tirsan Booliska Masar waxaana uu weerarkaasi ka dhacay Gacanka Siinay.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®