SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
16/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Prof: Jawaari oo sheegay in kuraasta dhiman ay somalia u xayirantahey in ay yeelato Madaxweyne Cusub

 


Gudoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya Maxamed Sheekh Cusmaan Jaawari ayaa ka codsaday guddiga doorashooyinka dadban in ay todobaadkaan ay kusoo dhameystiraan doorashada xildhibaanada dhiman ee Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi iyo sidoo kale doorashada xildhibaanada 5ta ah ee la qaadacay Natiijadii ay kusoo baxeen.

Gudoomiye Jawaari ayaa sheegay in shaqadii baarlamaanka ay u xayiran tahay xubnahaas, islamarkaana uu codsanaayo in lasoo dadejiyo.

Jawaari ayaa sidoo kale xusay in Odayasha dhaqanka ee ay ka imaanayaan xubnahaasi looga baahan yahay in ay muujiyaan tanaasul ,madam ay u xayiran tahay shaqadii baarlamaanka Soomaaliya.

Afhayeenka Baarlamaanka ayaa ugu dambeyntii xubnaha ay dhiman tahay doorashadood iyo sidoo kale kuwa lagu laabanayo ka codsaday in ay ilaaliyaan nidaamka ay kusoo baxayaan si aan markale loogu laaban doorashadooda.

Doorashada xildhibaanada ayaa wali waxaa ka dhiman xubno doorashooda dib loogu laabanayo sidoo kale kuwo aan wali la dooran oo ay ka mid yihiin shanta xubnood ee ka dhiman Aqalka Sare ee Somaliland.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®