SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
15/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Taliyaha Ugu sareeya Ciidanka AMISOM iyo Taliyaha Ciidanka Xoogga Dalka oo gaaray Cadaado

Taliyaha Ciidamada AMISOM Gen Cismaan Nuur Subagle iyo Taliyaha Ciidanka Milatariga Soomaaliya Sareeyo Gaas Maxamed Aadan Axmed (Buud) ayaa Maanta gaaray Magaalada Cadaado oo Xarun KMG u ah Galmudug.

Wafdiga Taliyaasha ugu sareeya Ciidanka AMISOM iyo Milatariga Soomaaliya ayaa Garoonka Diyaaradaha Magaalada Cadaado,waxaa ku soo dhaweeyay Saraakiisha Ciidanka AMISOM iyo kuwa Xoogga Dalka Qeybtooda 21-aad ee ku sugan Gobolada Dhexe ee Dalka.

Wararka ayaa intaa ku daraya in Taliyaasha tagay Magaalada Cadaado ay la kulmi doonaan Saraakiisha AMISOM iyo kuwa Xoogga Dalka ee ku sugan Galmudug iyo Mas’uuliyiinta Maamulka Galmudug.

Magaalada Cadaado waxaa ka jira Xiisad Siyaasadeed oo ka dhalatay Xilka qaadistii Baarlamaanku ay sheegeen in ay Kalsoonida kala noqdeen Madaxweyne C/kariin Guuleed.

Madaxweyne Guuleed oo Maalmahaan ku sugnaa Magaalada Cadaado ayaa shalay Gelinkii dambe dib ugu soo laabtay Magaalada Muqdisho,iyadoo uusan wax Xal ah ka soo gaarin Xiisadda Gaalkacyo.


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®