SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
15/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Brazil Xabsiyadeeda oo wali dilal ay ka sii socdaan iyo 10 qof oo lagu gowracay Xabsi

Sida ay sheegayaan saraakiisha ammaanka dalka Brazil kudhawaad 10 qof ayaa qoorta laga gooyay ka dib markii ay xabsiga ku yaalla Magaalada Natal ee Waqooyi Bari ee dalkaasi ay ku dhex dagaalameen kooxo gaangastaro ah.

Ciidamada Ammaanka waxa ay sheegeen in xabsiga ay dhibaatadu ka dhacday lagu magacaabo Alcacuz jail.

Dowladda ayaa sheegtay in kooxo Gaangastaro ah oo xabsiga weerar ku soo qaaday iyo sidoo kale Maxaabiistii in ay dagaalameen , islamarkaana ay gowraceen 10 qof.

Qaar ka mid ah kooxihii Gaangastarada ahaa ayaa gacanta lagu dhigay.

Dalka Brazil ayaa maalmihii lasoo dhaafay waxaa kusoo laablaabnayay isku dhacyada ka dhaca xabsiyada , waxaana bishaan gudaheeda xabsiyada dalkaasi lagu dilay dad ku dhow 100 qof.


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®