SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
15/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

War Deg Deg ah:- Wiil uu dhalay Sargaal Shabaab ah oo lagu dhex dilay Xabsiga Degmada Maxaas

 

Wararka naga soo gaaraya Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan ayaa sheegaya in Saaka Xabsiga Degmada Maxaas lagu dhex dilay Wiil uu dhalay Guddoomiyaha Al-shabaab ugu Magacaaban Degaanka Moqokori oo Xabsiga Maxaas ku xirnaa.

Dilka ayaa la sheegay inuu geystay Nin Walaalkiis Shalay lagu dilay Degaanka Moqokori oo ay Al-shabaab Gacanta ku hayaan islamarkaana ka Careysan Falka Dilka ah ee Walaalkiis lagula kacay.

Saraakiisha Ciidanka Ee Degmada Maxaas oo aan la Xariirnay ayaa ka kaabsaday in ay Faah-faahin dheeri ah ka bixiyaan Dilka ka dhacay Gudaha Xabsiga Degmada Maxaas ee Gobolka Hiiraan.

Wiilka la sheegay inuu dhalay Guddoomiyaha Shabaab ugu Magacaaban Degaanka Moqokori ayaa ka mid ahaa Tiro Maxaabiis ah oo ku jira Xabsiga Degmada Maxaas.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®