SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
15/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Ciidanka Dowlada oo Weerar ku qaaday Saldhig Al-Shabaab ay ku leeyihiin Sh/Hoose

 

Wararka naga soo gaaraya Tuulada lagu Magacaabo Yaaq-doomaar oo u dhaw Degaanka Leego Ee Gobolka Shabellaha Hoose ayaa sheegaya in Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ee Fariisinka ku leh Garoonka Diyaaradaha Ee Bali-doogle ay Weerar ku qaadeen Saldhig Shabaabku ay ku leeyihiin halkaas.

Goobjoogeyaal ayaa sheegay in Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya ay Weerar Culus ku qaadeen Saldhiga Al-shabaab ee Degaanka Yaaq-doomaar Gabal-dhicii Shalay,balse aan la ogaan karin Khasaaraha ka dhashay Dagaalka.

Sidoo kale Mas’uuliyiin ka tirsan Maamulka Gobolka Shabellaha Hoose ayaa Xaqiijiyay jiritaanka Weerarka Ciidanka Dannab ay ku qaadeen Fariisinka Al-shabaab.

Ciidanka Kumaandooska Soomaaliya oo garab ka helaya kuwa Dowladda Mareykanka ayaa dhowr Jeer Weeraro kala duwan ka Fuliyay Gobolka Shabellaha Hoose.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®