SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
15/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Soomaali Tahriiibayaal ah oo ku geeriyooday Biyaha u dhexeeya Libya iyo Talyaaniga


Ugu yaraan 8 Ruux oo tahraabiyaal ahaa, kuwaasi oo la aaminsan yahay in ay ku jiraan Soomaali ayaa dhintay, kadib marki Doonidii ay la socdeen ay ku quustay Xeebaha Dalka Liibiya, sida ay sheegeen Saraakiisha Ciidamada Ilaalada Xeebaha Dalka Talyaaniga.

Waxaa socdo howlgallo samatabixin ah oo la doonayo in lagu soo badbaadiyo ku dhawaad 100 Ruux, kuwaasi oo lagu la’yahay biyaha Dalka Liibya.

Qoraal ka soo baxay Saraakiisha Saraakiisha Ciidamada Ilaalada Xeebaha Dalka Talyaaniga ayaa lagu sheegay in 8 Ruux ay dhinteen, 4 kalena la soo badbaadiyay, waxaana ay xuseen in doonidaasi ay la socdeen 107 Ruux.

Dhinaca kale, Wasaarada Arimaha Gudaha ee Dalka Talyaaniga ayaa shaaca ka qaaday 180 kun oo tahriibayaal ah ay yimaadeen Dalkaasi, sanadii la soo dhaafay.

Qaramada Midoobay ayaa sheegtay in 5 kun oo qof ay ku dhinteen biyaha u dhaxeeya Dalalka Liibya iyo Talyaaniga, waxaana dadkaasi oo dhan ay doonayeen in ay gaaraan Dalka Liibya, sanadii aan soo dhaafnay.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®