SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
15/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Khilaaf ka taagan doorashada Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi

 

Gudoomiyaha guddiga Doorashooyinka gobolada Waqooyi ayaa ka hadlay sababta ay wali hakad ugu jirto doorashada xubnaha Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi qaarkood oo aan wali la dooran.

Jaamac Maxamed Qaalib ayaa sheegay in khilaaf uu ka jiro doorashada xubnaha dhiman ee Aqalka Sare ee gobolada Waqooyi ,islamarkaana ay ku howlan yihiin sidii arintaasi loo xalin lahaa.

Sidoo kale gudoomiyaha ayaa tilmaamay in xubnaha Aqalka Sare ee Somaliland ay ka dhiman yihiin 5 kursi , islamarkaana qaabkii loo qeybsan lahaa shantaasi kursi uu muran ka jiro.


Jaamac Maxamed Qaalib ayaa xusay in Qaar ka mid ah beelaha xildhibaanada ka helay Golaha shacbiga ay doonayaan in hadana xubno ku yeeshaan Aqalka Sare.

Ugu dambeyntii gudoomiyaha ayaa sheegay in doorashada ay dib uga bilaaban doonto Muqdisho marka la xaliyo khilaafka jira.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®