SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
13/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Madaxweynaha oo ka hadlay Doorashada Guddoonka Baarlamaanka Somalia

 

Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa waxa uu ka hadlay Doorashooyinkii Guddoonka Baarlamaanka sare ee Dalka, oo 11-kii ilaa 12-kii bishan ka dhacay Magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay Baarlamaanka Soomaaliya in ay ka muuqatay Mas’uuliyad weyn, waxaana uu tilmaamay in loo dhiibay xil cusub oo la doonayo in loogu adeego diinta, dadka iyo dalka.

Xasan Sheekh Maxamuud Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya ayaa sheegay in uu rajeynayo Baarlamaanka Federaalka ee la doortay in ay ahaan doonaan kuwo Afarta sano ee soo soocta Hoggaamintooda ay toosanaan doonto.

Ugu dambeyntii Madaxweynaha Jamhuuriyada Federaalka Soomaaliya Xasan Sheekh Maxamuud ayaa shegay dadka Soomaaliyeed dhaqankooda in uu yahay dhaqan Dimuquraadi, Dowladda Federaalkana ay ku guuleystay in ay fursad siiso shacabka.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®