SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
13/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

K/Afrika oo 3 Wiil Soomaali ah lagu dilay 48 saac ee la soo dhaafey

 


Dalka Koonfur Afrika oo ay ku nool yihiin Soomaali badan ayaa inta badan waxaa ka dhaca dilal loo geysto Dhalinyarada Soomaalida ah ee halkaasi ku ganacsada.

48-dii saac ee la soo dhaafay ayaa Degaanada Soomaalida ay ku ganacsto ee ku yaalla Koonfur Afrika waxaa lagu dilay Saddex Dhalinyaro soomaali ah, kuwaas oo dilalkooda ay ka dambeeyeen burcad Koonfur Afrikan ah.

Dhalinyarada la dilay oo Da’dooda ay ka hooseyso 30-sano ayaa waxaa lagu kala magacaabaa Yuusuf Macalin, Maxamed Xuseen Cabdi iyo Aadan Maxamed Siyaad, sida uu sheegay wariye ku sugan dalkaasi.

Booliska Dalka Koonfur Afrika ayaa wada baaritaano iyo Howlgallo lagu raadinayo burcadii sida arxan darada ah u dishay dhlinyaradan, waxaana ay sheegeen in gacanta ku soo dhigi doonaan.

Soomaalida ku nool Koonfur Afrika ayaa cabsi badan ka muujiyay dilalka loo geysto dhalinyarada Soomaalida ah ee ku ganacsata dalkaasi, waxaana ay sheegeen in ay si aad ah uga soo horjeedaan.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®