SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
12/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Heshiis laga gaaray xiisado ka jira Galgaduud

 

Degaanka Gadoon oo dhowr iyo 30-KM ujira Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaa waxaa maalmihii la soo dhaafay ka taagnaa xiisado u dhaxeeya Maleeshiyo beeleed wada dega Degaankaasi.

Waxgarad is xil qaamay ayaa ku baxay qaboojinta xiisadahaasi, waxana xiisadan la sheegay in ay soo taagneyd 11-kii sano ee la soo dhaafay.

Waxgaradka ayaa shalay waxa ay ku guuleysteen in la joojiyo Dagaal u dhaxeeyay Maleeshiyo beeleedkaasi, loona balamay in saakay mar kale ay dib u bilaabato waan waanta.


Nabadoon Macalin Xaashi oo ah Madaxa Odayaasha Dhaqanka Degaanka Gadoon ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegay in ay ku guuleysteen in la joojiyo xabada.

Degaanka Gadoon oo dhowr iyo 30-KM ujira Magaalada Dhuusa-mareeb ee xarunta Gobolka Galgaduud ayaanan ka jirin wax maamul ah, sida Maamulka Galmudug iyo midka Ahlusunna.


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®