SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
11/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Golaha Ammaanka ee QM oo ka arrinsan doono Shixnadaha Hubka ee ay Iiraan u soo daabulaan Somalia iyo Yemen.

 

Ilo lagu kalsoon yahay ayaa sheegay in 15-ka xubnood ee Golaha Ammaanka ee QM ay bishan January 18-da yeelan doonaan Kulan Khaas ah oo ay kaga hadli doonaan Arrimaha dalka Iiraan, gaar ahaan Shixnadaha hubka ee ay u diraan Somalia iyo hub-siinta joogtadda ee Maleeshiyaadka Xisbullaahi-Lubnaan iyo Xuutiyiinta Yemen.

Kulankaasi ayaa waxaa kaloo lagu eegi doonaa Warbixin 6-biloodle ah oo uu Xogahayaha Guud ee QM ee xilka ka , degay, Ban Ki-moon u gudbiyey Golaha Ammaanka ee QM, wuxuuna walaac xooggan kaga muujiyey Shixnadaha Hubka ee ay Iiraaniyiinta u daabulaan dalalka Somalia, Lubnaan iyo Yemen.

Wakaalladda Wararka ee REUTERS oo heshay Nuqul ka mid ah Warbixintaasi oo ku taariikheysnayd bishii December 30-da ee sannadkii hore ayaa lagu muujiyey inay Dowladda Iiraan ku xad-gudbayso Qaraarkii Golaha Ammaanka ee QM ee tirsigiisu ahaa 2231 ee looga mamnuucay Horumarinta Gantaalladda, kadib, markii ay Maleeshiyadda Xisbullaahi Lubnaan u dirtay Gantaalo casri ah.

Warbixinta waxaa kaloo lagu muujiyey inay Iiraan shixnado hub u dirtay Somalia iyo Yemen, iyadoo ay Ciiddanka Caalamiga ee ilaaladda ka haya Badweynta Hindiya ay bishii March ee sannadkii hore qabteen Markab laga leeyahay Iiraan oo Shixnad hub ah u soo waday Somalia ama Yemen.


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®