SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
11/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Dowlada Kenya oo xirtay 2 Dhalinyaro ah oo doonayey in y weerarar Goobo Muhiima

Booliska Dalka Kenya ayaa xiray Labo dhalinyaro ah oo aan la shaacin wadamada ay ka soo jeedaan, kuwaas oo looga shakiyay in ay xiriir la leeyihiin ururka Al-Shabaab.

War ka soo baxay xafiiska Isbatooraha Guud ee Booliska Kenya ayaa lagu sheegay raggan in lagu qabtay Decomentiyo cadeynaya weeraro ay geysan rabeen iyo agabyo kale oo weerarada iyo Qaraxyada lagu fuliyo.

Sidoo kale Booliska Kenya ayaa waxa ay sheegeen raggan in ay qorsheynayeen weeraro ay ka geystaan gudaha dalka Kenya, gaar ahaan Kaniisadaha iyo goobaha ay isugu yimaadaan dadka shacabka ah.


Boolisku waxa ay sheegeen in ay ku raadjoogaan tiro kale oo dhalinyaro ah, kuwaas oo u soo baxsaday dhanka Soomaaliya, xiriirna la leh raggan ay gacanta lagu hayo.

Weerarkii Westgate oo dhacay 2013-kii iyo weerarkii Jaamacada Gaarisa oo dhacay 2015-kii ayaa waxa ay geysteen khasaare isugu jira dhimasho iyo dhaawac oo fara badan, waxaana Mas’uuliyada weeraradaasi sheegtay Shabaab.

Shabaab ayaa horey u sheegay in aysan joojin doonin weerarada ay ka geysanayaan gudaha Dalka Kenya, ilaa Ciidanka kenya ay isaga baxaan Soomaaliya.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®