SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
10/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Baarlamaanka Galmudug oo u Fadhiya Mooshin ay Xilka kaga qaadayaan Madaxweyne Guuleed

 

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Maamulka Galmudug oo Kulan ku leh Magaalada Cadaado ayaa hadda u fadhiya Mooshinkii ay ka keeneen Madaxweynaha Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Xildhibaanada Shirsan ayaa waxaa Shir Guddoominaya Guddoomiye Kuxigeenka Koowaad ee Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed,waxaana Wararku ay sheegayaan in Baarlamaanka ay Cod u qaadi doonaan Mooshinka Xilka qaadista ah ee ay ka keeneen Madaxweynaha Dowlad Goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Dhanka kale waxaa ka jirta Magaalada Cadaado Xiisad ka dhalatay Arrintaas,iyadoo Ciidamo ka tirsan kuwa Nabad Sugidda ay diideen in Baarlamaanku uu kulmo,halka kuwo Boolis ah ay ilaalinayaan Kulanka Xildhibaanadu ay leeyihiin.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®