SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
10/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Ka dib Xilka qaadistii Madaxweynaha Galmudug oo Xiisad ay ka taagan Magaalada Cadaado ee Xarunta KMG Galmudug

 

Wararka inaga soo gaaraya Magaalada Cadaado ee xarunta KMG ah ee maamulka Galmudug ayaa waxa ay sheegayaan in maanta halkaasi ay ka taagan tahay xiisad ka dhalatay Mooshinka xilka looga qaaday Madaxweynaha Maamulka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed.

Xiisadan ayaa timid kadib markii xildhibaanada Galmudug kulan ay ku yeesheen Magaalada Cadaado ku cadeeyeen in ay kalsoonida kala laabteen Madaxweynaha Galmudug.

Xilka in laga qaado C/kariin Xuseen Guuleed Madaxweynaha Maamulka Galmudug ayaa waxaa ogolaatay 54 xildhibaan.


Ciidanka Nabad suggida maamulka Galmudug ayaa gabi ahaanba la soo daadiyay Magaalada Cadaado, waxaana laga cabsi qabaa in ay sii xoogeysato xiisada u dhaxeya Baarlamaanka Galmudug iyo Madaxweyne Guuleed.

Shirka ay kal soonida kala laabteen Xildhibaanada Madaxweynaha Galmudug Waxaa shir gudoominayay Gudoomiye ku xigeenka Baarlamaanka Galmudug Xareed Cali Xareed.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®