SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
09/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Gudoomiyaha Doorashada Dadban oo sheegay 5-ta Kursi ee Gobolada waqooyi ee Aqlka Sare in 2 malmood lagu soo afjari doono

Gudoomiyaha Guddiga doorashooyinka dadban ee dalka Cumar Cabdulle Maxamed ayaa sheegay in dhawaan lasoo gabagabeyn doono doorashada dhammaan xubnaha Baarlamaanka ee ka imaanaya gobolada Waqooyi ee dalka .

Gudoomiye Cumar Dhagey ayaa sheegay in guul laga gaaray doorashooyinkii Baarlamaanka ee ka dhacay Qaar ka mid ah maamul goboleedyada ka jira dalka.

Sidoo kale waxaa uu sheegay in ay ku raja weyn yihiin in ka hor doorashada gudoomiyaha Baarlamaanka lasoo dhameystiri doono xildhibaanada Aqalka Sare gobolada Waqooyi.


Doorashada xildhibaanada gobolada Waqooyi ee Aqalka Sare ayaa shalay ka bilaabatay Magaalada Muqdisho , waxaana shalay la doortay 6 kursi.

Sidoo kale marka la eego tirada Aqalka Sare ee la siiyay Soomaliland waxaan ka dhiman oo keliya 5 xubnood.

Xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya ayaa u diyaar garoobaya Doorashada Guddoonka Baarlamaanka oo lagu wado in Magaalada Muqdisho ay ka dhacdo 11-ka ilaa 12-ka Bishan.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®