SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
0 8/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Dowlada Jabuuti oo taageero musharaxnimada Midowga Afrika ka dalbatay Itoobiya

 

Dowladda Jabuuti ayaa ka codsatay taageero dowladda Itoobiya si ay ugu guuleysato gudoomiye kuxigeenka Midowga Afrika .

Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti Maxamuud Cali Yuusuf ayaa codsigaan u gudbiyay Ra’iisul wasaare ku xigeenka dalka Itoobiya Demeke Mekonen.

ka dib kulan saacado badan qaatay oo ay wada yeesheen Wasiirka Arrimaha Dibadda Jabuuti iyo Ra’iisulwasaare xigeenka ayaa xukuumadda Jabuuti waxa ay sheegtay in ay taageero badan ka rabto Itoobiya si ay u hesho xilkaasi.


Dowladda Jabuuti ayaa doonaysa in ay noqoto gudoomiyaha ku xigeenka Ururka Midowga Afrika .

Waxaana ay soo bandhigtay labo Musharax oo u kala tartami doona xilalka Gudoomiyaha Arimaha siyaasada ee Midowga Afrika iyo gudoomiye ku xigeenka Midowga Afrika.

Mid ka mid ah xilalkaasi waxaa u tartamaya Wasiirka Arimaha dibada ee dowladda Jabuuti Maxamed Cali Yuusuf.

Doorashada gudoomiyaha Midowga Afrika ayaa waxaa ka jira loolan adag .

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®