SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
0 8/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Shiinaha oo Dhisaya Wado Tareen oo Isku Xireysa Magaalada Kismaayo iyo Degmada Lamu ee Dalka Kenya

 

Sida uu baahiyay Chennelka CNN TV oo dalka Kenya laga leeyahay, dowladda Shiinaha ayaa lacago badan ku bixinaysa balaarinta dhismo ay ka wado wadamada ku yaala bariga qaarada Africa.


Dowladda Shiinaha oo kamid ah dowladaha aad loogu dambeeyo dhanka dhismaha ayaa dooneysa inay dhisto xiligaan wado tareen oo isku xireysa magaalada Kismaayo ee dalka Soomaaliya iyo degmada Lamu ee dalka Kenya.

Wadada Tareen ee isku xiraysa magaalada Kismaayo ee dalka Soomaaliya iyo degmada Lamu ee dalka Kenya dhirir ahaan waxaa lagu qiyaasay 750 KM, waxaana ku baxaya lacag lagu qiyaasay 4-Million oo dollar-ka Mareykanka.

Qorshaha kale ee shirkadaha Shiinaha ayaa ah inay dhisaan waddooyin isku xira dalalka Kenya iyo Sudaanta koofureed, Uganda , Rwanda iyo Burundi, iyadoo qorshaha uu yahay isku xirka shacabka dalalka Africa, sida ay sheegeen masuuliyiin u hadlay Shiinaha.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®