SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
0 8/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Madaxweynaha Puntland oo Ku Dhawaaqay in aan dabaaldeg loo sameyn doonin xiligii xilka loo doortey

 

Madaxweynaha Maamulka Puntland Dr C/wali maxamed Cali Gaas ayaa ku dhawaaqay in sanadkaan uusan u dabaaldagi doonin Xaflada sanad guuradiisa saddexaad markii loo doortay madaxweynaha maamulka Puntland 8-dii january sanadkii 2014-kii.

Mas’uuliyiin ka tirsan Madaxtooyada Maamulka Puntland ayaa sheegay in Madaxweynaha uu xalay saxaafadda isugu yeeray islamarkaana uu shaaciyay in sanadkaan uusan u dabaaldagi doonin sanad guuradiisa kasoo wareegatay markii la doortay, sababo la xiriiro Abaaraha ka jira deegaanada Maamulka Puntland.

Madaxweynaha Maamulka Puntland ayaa la sheegay in sanad guuradiisa ay ku koobnaan doonto khudbad shacabka Puntand la wadaagidoono, taasoo uu kaga hadlayo marxalada Maamulka Puntland ay ku sugan tahay iyo ififaalaha sanadka cusub laga filayo xukuumadiisa, isagoo diirada ku saaraya arrimaha Abaaraha ka jira deeganada Maamulkaas.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®