SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
07/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Xildhibanaao Sheegay in Ciidamada AMISOM ay dileen labo wiil oo walaalo ah

 

Ciidamada AMISOM ayaa shalay duleedka Magaalada Baraawe ee gobolka Shabeelaha Hoose waxa ay ku dileen labo wiil oo walaalo ah sida ay Risaala u sheegeen dadka degaanka.

Kolonyo ay la socdeen Ciidanka AMISOM oo ka amba baxay Magaalada Muqdisho, kuna sii jeeday Degmada Baraawe, ayaa la sheegay in ay geysteen dhacdaan Xanuunka badan.

Wiilashan oo lagu kala magacaabi jiray C/raxmaan Xasan Burad oo 17 jir ahaa iyo Cabdi Xasan Baryare oo 15 jir ahaa, ayaa dilkooda waxaa uu ka dhacay degaanka Wareer-male, oo hoos-tagga Degmada Baraawe.


Ruqiyo Abshir Nuur oo ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Maamulka Koonfur Galbeed ayaa xaqiijiysay in dilkaan ay geysteen ciidamada AMISOM.

Xildhibaanada ayaa xustay in falkaan uu yahay mid laga naxo , islamarkaana AMISOM ay caadeysatay xasuuqa shacabka kunool gobolka Shabeelaha Hoose.

Falkaan ayaa waxaa geystay ciidanka dowladda Uganda ee qeybta ka ah AMISOM.


HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®