SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
06/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Cali Guudlaawe oo ka hadlay Abaaraha Hirshabeelle

 

Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle Cali Guudlaawe Xuseen oo warbaahinta la hadlay ayaa waxa uu ka hadlay heerka ay gaarsiisan tahay Abaaraha ka jira Degaanada Maamulkaasi.

Waxa uu sheegay Abaaro balaaran in ay ka jiraan Degaanada Hirshabeelle, maadaama Wabiga uusan laheyn Biyo, sidoo kalena Roob uusan ka di’in Degaanada Hirshabeelle qaarkood.

Cali Guudlaawe Xuseen Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Hirshabeelle ayaa waxa uu sheegay Mashaariicyo badan in ay ku soo wajahan yihiin Degaanada Hirshabeelle, si loogu badbaadiyo dadka dhibaateysan.


Sidoo kale Guudlaawe ayaa ugu baaqay shacabka Hirshabeelle in ay ka shaqeeyaan ammaanka, si loo helo xasilooni iyo nabad waarta, loogana hortago weerarada mararka qaar halkaasi ka dhaca.

Abaaro daran ayaa waxa ay ka jiraan Gobolada qaar ee Dalka, kuwaas oo saameeyay dadka iyo duunyada, waxaana Dowladda Federaalka iyo Maamul Goboleedyada ay wadaan dadaalo dadkan lagu bad baadianayo.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®