SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
06/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Galmudug oo baaq u dirtay Dadka ka soo jeeda in ay kaalmo u fidiyaan Dadka Abaraha ay ku habsatey

 

Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey oo la hadlay warbaahinta ayaa sheegay in maamulka Galmudug ay saameeyeen guddi heer Wasiiro ah, kuwaas oo ka shaqeyn doona u gar gaarida dadkii ay Abaartu saameysay ee ku nool Degaanada Galmudug.

Maxamed Xaashi Carabey Madaxweyne ku xigeenka Maamulka Galmudug ayaa sidoo kale waxa uu sheegay sida ugu dhaqsiyaha badan dadkan in wax loogu qaban doono.

Sidoo kale Madaxweyne Carabey ayaa Dowlada Dhexe, Ha’adaha Caalamiga ah iyo dadka wax heysta ugu baaqay in ay gar gaar la soo gaaraan dadkan dhibaateysan.

Hadalkan ka soo yeeray Madaxweyne ku xigeenka Galmudug Maxamed Xaashi Carabey ayaa ku soo aadaya xilli qeybo badan oo ka mid ah Dalka ay ka jiraan Abaaro daran.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®