SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
06/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Musharaxiinta EX:Sheekh Shariif iyo RW Cumar Cabdirashiid oo ku kulmay Nairobi si ay Doorashsada ugu midoobaan




EX: Madaxweynihii hore,Sheekh Shariif Sheekh Axmed iyo Ra’iisul Wasaare Cumar Cabdirashiid oo labadooduba haatan u taagan qabashada xilka Madaxtinimo ee Dalka ayaa waxey kulan ku yeesheen Magaalada Nairobi ee Xarunta Dalka Kenya.

Labadan Musharax ayaa si qoto dheer uga hadlay sida la sheegayo siyaasada Dalka iyo arimaha doorashooyinka oo dhawaan la filayo in lagu qabto Magaalada Muqdisho.

Ilo wareedyo ku dhow labada mas’uul oo la hadlay Idaacadda Shabelle ee Magaalada Muqdisho ayaa sheegay in kulanka labadan musharax sidoo kale lagu gorfeeyay sidii iskaashi wanaagsan ay u sameyn la hayeen.

Wararka ayaa sheegaya in kulanka labadan mas’uul uu heer sare ku dhamaaday, islamarkaana ay ku fahmeen in ay u heshiiyeen sidii ay ugu soo bixi la haayeen doorashooyinka Dalka.

Wararka ayaa sidoo kale waxey tilmaamayaan in Cumar Cabdirashiid Cali Sharmaarke ay ka muuqaneyso habacsanaan ku aadan dhinaca ololaha doorashooyinka, kadib markii la ogaaday in uu taageero buuxdo ka helayo Dowladda Imaraadka Carabta.

Dhinaca kale, Musharax Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa la aaminsan yahay in uu yahay musharax ugu dhow in uu ku guuleysto doorashada madaxtinimo ee Dalka, islamarkaana ay loolan adag la gali karaan Madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud.

Ugu dambeyn, Musharax Sheekh Shariif ayaa muddooyinkan dambe waxuu kulamo kala duwan ka waday gudaha Dalka iyo dibada, isagoona kulamo la qaatay Madaxda Maamul Goboleedyada iyo Xildhibaanada labada Aqal.

Sikastaba, dhawaan ayaa la filayaa in doorashada madaxtinimo ee Dalka lagu qabto Magaalada Muqdisho ee Caasimada Soomaaliya.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®