SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
06/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Muwaadin Soomaaliyeed oo xalay lagu dilay Dalka Koonfur Afrika

 

Muwaadin Soomaaliyeed ayaa xalay lagu dilay Dalka South Afrika gaar ahaan Magaalada Johannesberg xaafada Soomaalida Magaaladaasi ay ka degto ee lagu magacaabo My-fi.

Wiilka Soomaaliga ah ayaa la sheegay in ay dileen Labo Wiil oo Soomaali ah, kuwaasi oo ku hubeysnaa Bastoolado, waxaana ay ku dileen goobta Ganacsiga ee loo yaqaano Amal oo ku taalla xaafada My-fi ee Magaalada Johannesberg.

Dilkan ayaa la sheegay in uu ka dambeeyay kadib murano horey u soo kala dhex galay Dhallinyarada dilka geysatay iyo sidoo kale wiilka la dilay oo lagu magacaabi jiray Garaar.

Booliska Dalka Koonfur Afrika ayaa waxa ay warbaahinta gudaha u sheegeen in ay ku raadjoogaan Dhalinyaradan dilka geysatay, si cadaalada loo horkeeno.

Soomaalida ku nool xaafada My-fi ee Magaalada Johannesberg ayaa aad uga naxay falkan dilka ah, waxaana ay ku tilmaameen mid arxan daro ah.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®