SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
043/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Wiil Jabuutiyaan ah oo Toorey ku laayey Waalidiintiisa iyo Walaalihiis 5 qof



Wararka ka imaanaya Xaafadda 7aad ee Magaalada Jabuuti ayaa sheegaya in Wiil Dhalinyaro ah uu Tooreey ku weeraray Qoyskiisa oo ka kooban 5 ruux kuwaas oo dhimasho iyo dhaawac ay ka soo gaareen.

Agaasimaha Ammaanka Dadweynaha Xaafadda Todobaad ee Jabuuti Cumar Xasan ayaa shaaciyay in Ciidamadu ay ka war heleen kadib markii Wiilkaas uu dhaawacyo halis ah wada gaarsiiyay Qoyskiisa.

Waxaana uu shaaca ka qaaday in Ciidamada Ammaanku ay ku guuleysteen in ay gacanta ku soo dhigaan Wiilka falkaasi geystay.

“ dadkaasi uu Wiilku weeraray oo u dhintay dhaawacyo ka soo gaaray Tooreyda loo adeegsaday weerarkooda waxa ay ka koobnaayeen Aabaha iyo Hooyada Wiilkaasi iyo 3 Hablood oo ay walaalo ahaayeen” sidaas waxaa yiri Agaasimaha Ammaanka Dadweynaha Xaafadda Todobaad ee Jabuuti Cumar Xasan.

Sababta ku kalliftay wiilkaasi Falka uu ku laayay Qoyskiisa waxaana la sheegay in uu ahaa Arday wax ka barta mid ka mid ah Jaamacadaha dalkaasi Jabuuti.

Dhacdadaasi ayaa noqotay mid si weyn looga hadal haayo guud ahaan dalka Jabuuti.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®