SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
043/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Obama oo sheegay inuu Maxaabiis kale ka sii dayn doono Xabsiga Guantanamo iyo Donald Trump oo gaashaanka ku dhuftay.

 


Afhayeenka Aqalka Cad ee looga taliyo dalkaasi, Josh Earnest ayaa sheegay in Maxaabiis badan lo owareejin doono dalal kale, ka hor inta uusan Madaxweyne Obama bishan Janaayo 20-da xilka ku wareejinin Madaxweyne La-doortay ee dalkaasi, Donald Trump.

Ku-dhawaad 20 ka mid ah Maxaabiista ku xiran Xabsigaasi ayaa la xaqiijiyey in dalal kale loo wareejin doono, inkastoo si loo helo Dalal oggolaada qaadanayso waqti-lumis kale.

Hadalka Afhayeenka ayaa soo baxay dhowr saacadood kadib, markii uu Donald Trump bartiisa Twitterka soo dhigay inaan Maxaabiis kale laga sii dayn Karin Xabsiga Guwatanamo Bay.

Waxa uu intaasi ku daray inay Maxaabiistaasi ku jiraan dad khatar badan, oo loo oggolaan doonin inay dib ughu laabtaan goobaha Dagaalka.


Haatan waxaa Xabsiga Guwatanamo ku xiran 59 Maxaabiis Muslimiin ah, kuwaasi oo aan weligooda dacwad lagu soo oogin, lana soo maxkamadaynin.

Ka hor inta uusan Madaxweynihii hore ee dalka Maraykanka, George W. Bush xilka ka degin waxa uu sii daayey ama dalal kale u wareejiyey ku-dhawaad 500 Maxbuus oo ku xirnaa Guwatanamo Bay, halka Madaxweyne Obama sii daayey ama dalal kale u wareejiyey ku-dhawaad 179 ka mid ah Maxaabiista ku xiran Xabsigaas.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®