SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
043/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

3-da Musharax ee Sheekh Shariif, C/qaadir Cosoble iyo Tarsan oo kulan gaar ah Muqdisho ku yeeshay

Kulan saacado qaatay ayaa dhexmaray qaar kamid ah musharixiinta ugu cad cad sanadkaan, waxaana kulanka uu ka dhacay magaalada Muqdisho ee caasimada Soomaaliya.

Kulanka ayaa u dhaxeeyay madaxweynihii hore ee Soomaaliya Sheekh Shariif Sheekh Axmed, musharax madaxweyne C/qaadir Cosoble Cali iyo Maxamuud Axmed Nuur Tarsan gudoomiyihii hore ee gobolka Banaadir.

Kulanka seddex geesoodka ah ayaa waxaa looga hadlay arimaha siyaasadda Soomaaliya iyo doorashooyinka ka dhacaysa dalka Soomaaliya.

Wallow aan warar rasmiya laga helin shirka gaarka ah ayaa haddana waxaa soo baxaya inuu jiro isbahaysi siyaasadeed oo ay sameynayaan musharixiinta ku kulmay magaalada Muqdisho.

Sheekh Shariif Sheekh Axmed ayaa caasuumaada kulanka u fidiyay labada musharax ee uu la kulmay.

Waxaa muuqaneyso inuu jiro isbahaysi siyaasadeed oo ay sameynayaan mushariixinta ku kulmay magaalada Muqdisho, kaasi oo ka dhan ah madaxweynaha tallada dalka haya.

Shariif Sheekh Axmed iyo C/qaadir Cosoble Cali ayaa ah labo musharax oo isku heyb ah.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®