SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
043/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Faah-faahin:-Bambo Gacmeed Lagu Weeraray Guriga Wasiirka ka mida...

Rag hubeysan ayaa xalay bambo gacmeed ku weeraray hoyga Wasiirka Caafimaadka Maamulka Jubba-land Mudane Xasan Daahir Yarow oo ku yaala magaalada Kismaayo ee caasimada KMG ee Maamulkaas.

Inta la xaqiijiyay 1-ruux oo kamid ahaa qoyska Wasiirka Caafimaadka Maamulka Jubba-land ayaa ku dhaawacmay bambada lagu tuuray hoyga, intaas kadib waxaa xigay rasaas kooban ay isweedaarsaden Ciidamada amaanka Jubba-land iyo kooxdiisa Hubeysneed.

Markii hoyga Bambada lagu weeraray, waxa la xaqiijiyay in uu ka maqnaan Wasiirka sida ay inoo xaqiijyeen mas’uuliyiin ka Tirsan maamulka Jubba-land.

Ilaa iminka ma jirTo cid sheegatay Mas’uuliyada weerarkaas.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®