SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
043/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Kulamo Xasaasi ah oo ka dhacay gudaha Magaalada Kismaayo

Qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya ee ka soo jeeda degaanada Jubbaland oo shalay gaaray Magaalada Kismaayo ayaa sheegay in Kulamo Wadatashi ah ay la qaadanayaan Masuuliyiinta Maamulka Jubbaland.

Kulamadaasi ayaa waxaa looga hadlayaa sidii Xildhibaanada lagu doortay Kismaayo ay ugu war qabi lahaayeen Shacabkooda.

Waxaa sidoo kale la sheegay in kulamadaasi loogu hadlayo sidii ay u wada shaqeyn lahaayeen Masuuliyiinta Jubbaland iyo Xildhibaanada Cusub ee laga soo doortay deegaanada Jubbaland.

Xildhibaan C/llaahi Sheekh Ismaaciil Fartaag oo ka mid ah Xildhibaanada Aqalka Sare ee Baarlamaanka ayaa sheegay in ay muhiim tahay in shacabka Jubbaland ay wax walbo la wadaagaan maadaama sida uu sheegay ay yihiin dadkii ay matalaayeen.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®