SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
03/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Saraakiil Ka Tirsan Al-shabaab oo Lagu Dilay Dagaal Ka Dhacay Gobolka Bakool

 

Wararka ka imaanaya deegaanka Mooro-gaabey oo ku dhow degmada Xudur ee Gobolka Bakool ayaa ku waramaya in dagaal u dhaxeeyay Ciidamada maamulka koonfur Galbeed Soomaliya iyo kuwa Al-shabaab in uu halkaas ka dhacay.

Dagaal ka dhacay deegaanka Mooro-gaabey ayaa la xaqiijiyay in la isku adeegsaday hubka noocydiisa kala duwan, iyadoo dagaalka ay qaadeen dagaalyahanada Xarakada Al-shabaab oo wali sameyn ku leh Gobolada Baay iyo Bakool ee Maamulka koonfur Galbeed Soomaliya.

Saraakiil ka Tirsan Ciidmada Koonfur Galbeed Soomaliya oo la Hadlay idaacadda Simba ee Magaalada Muqdisho ayaa xaqiijiyay in saraakiil ka Tirsan Xarakada Al-shabaab dagaalka lagu dilay, islamarkaana lasoo bandhigi doono meydadkooda iyo magacyadooda intuba.

Maamulka Shabaab ee Gobolada Baay iyo bakool wali kama aysan hadlin dagaalkaan.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®