SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
03/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Siyaasiyiinta iyo Xildhibaanada Daarood oo ka dalbaday Xildhibaan Xidig in uusan isku soo sharaxin Xilka Guddoonka Baarlamaanka

 


Kulamadan oo muddooyinkii dambe ay Magaalada Muqdisho ku yeesheen Aqoonyahanada, Siyaasiyiinta iyo Waxgaradka Beesha Daarood ayaa waxaa looga dalbaday Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig in uu joojiyo damaciisa ku aadan in uu noqdo Guddoomiyaha Baarlamaanka Soomaaliya.

Kulamadan ka socday Magaalada Muqdisho ayaa sidoo kale waxaa ka qeyb galay Ra’iisul Wasaaraha Xukuumadda Federaalka Soomaaliya, Cumar Cabdirashiid Cali Sharmeerke.

Waxgaradka Beesha Daarood ayaa waxey ka dalbadeen in Xildhibaan Xidig uusan isku soo taagin qabshada xilka Guddoonka Sare ee Baarlamaanka cusub.

Waxaa sidoo kale Waxgaradkan ay u balan qaadeen Xildhibaanka in xilal kale ay ka siin doonaan Dowladda cusub balse uu ka tanaasulo damaciisa ku aadan noqoshada Guddoomiye Baarlamaan.

“Hadii aan ka soo jeedno Beesha Daarood uma qalano xilka Guddoomiyaha Baarlamaanka, marka waa in aad ka tanaasushaan middaasi”, sidaasi waxaa yiri Waxgaradka Beesha Daarood.

Dhinaca kale, Xildhibaan C/rashiid Maxamed Xidig ayaa waxuu ka soo horjeestay in uu isaga tanaasulo u tartamid xilka Guddoonka Sare ee Baarlamaanka Soomaaliya.

Ugu dambeyn, Xildhibaanka ayaa la aaminsan yahay hadii Xilkan uu helo in uu ugu daneynayo Musharax Madaxweyne Shariif Xasan Sheekh Aadan oo doonayo in uu noqdo Madaxweynaha cusub ee Dalka.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®