SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
03/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Prof Jawaari oo lagu eedeeyay in uu lunsaday Mushaaraadkii Golaha Shacabka



Wasiir ku xigeenka wasaaradda dhalinyarada iyo isboortiga Cismaan Adan Dhuuboow, kan mid ahaa xildhibaanadii waqtigooda idlaaday ayaa ku dhaliilay Guddoomiyihii Baaralaamanka Maxamed Sheekh Cismaan Jawaari in uu dayacay howlihii Baarlamaanka dalka islamarkaana uu ku fashilmay howlihii loo igmaday.

Wasiir ku xigeenka ayaa soo hadal qaaday in Prof. Jawaari uu howlihii baarlamaanka u gacan galiyay Madasha Wadatashiga Qaran, oo uu sheegay in howlihii Baarlamaanka ay iyagu qabanayeen.

Mr. Dhuuboow ayaa tibaxay in Guddoomiyaha Baarlamaanka laga rabay in uu la wareego howlaha Qaran marka uu dhamaado Waqtiga Madaxwaynaha islamarkaan uu noqdo shaqsi u dhaxeya musharaxiinta.

Dhinaca kale Cismaan Adan Dhuuboow ayaa ka dhawaajiyay in xuquuqihii Baarlamaanka ay lahaayeen si gaar ah ay gacanta ugu gashay Guddoomiyaha Baarlamaanka, isagana uu sabab u ahaaa in ay dayacandaan xildhibaanada Jamhuuriyadda Federaalka Soomaaliya.

Waxa uu tibaaxay wasiirka in Jawaari uu qayb ka noqday Ololaha Madaxweyne Xasan Sheekh oo uu kaga qayb qaadanayo sidii uu talada dib ugu qaban lahaa Majaraha.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®