SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
03/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Diwaangelinta Musharaxiinta Gudoomiyaha Baarlamaanka oo Maanta Bilaabaneysa

 

Guddoomiyaha Guddiga qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenadiisa Xildhibaan C/raxmaan Ducaale Bayle ayaa sheegay in Maanta oo Talaado ah Taariikhduna ay ku beegan tahay 03 Janaayo in Xarunta Golaha Shacabka ee Muqdisho ay ka bilaabaneyso diiwaan gelinta Musharaxiinta u tartameysa Guddoomiyaha Baarlamaanka, Guddoomiye Ku Xigeenka Koowaad iyo Guddoomiye Ku Xigeenka Labaad.

Guddoomiyaha ayaa sidoo kale sheegay in ilaa 5 Bisha Janaayo oo Maalinta Khamiista ku beegan in la diiwaan gelinayo Musharaxiinta tartameysa.

Waxa uu sidoo kale rajo Wanaagsan ka muujiyay in waqtiga ay u qorsheeyeen doorashada Guddoonka Baarlamaanka in ay ku dhacdo isla markaana aysan jiri doonin wax dib u dhac ah.

Waxa uu xusay in Guddigooda ay shaqada ugu eg tahay markii la doorto Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenadiis Koowaad iyo Labaad.

Guddigaan loo xil saaray qaban qaabada doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenadisa ayaa waxa ay ka kooban yihiin 15 Xubnood, Waxaana shaqada loo igmaday ay tahay keliya qaban qaabada iyo agaasinka Jadwalka doorashada Guddoomiyaha Baarlamaanka iyo Ku Xigeenadiisa.

 

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®