SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
03/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Kuuriya Koonfureed oo Mamnuucday in muwaadiniinteeda ay u safraan Soomaaliya

 

Dowladda Kuuriya Koonfureed ayaa mamnuucday in loo safro dalal ay ka mid tahay Soomaaliya sababo la xariira ammaanka muwaadiniinteeda.

Dowladda Kuuriya Koonfureed ayaa sheegtay in dalalka Syria, Yemen, Libya, Somalia, Afghanistan ay uga digayso in ay u safraan muwaadiniinteeda.

War kasoo baxay Wasaarada arimaha dibada ee dalka Kuuriya Koonfureed ayaa lagu sheegay in dowladdu ay diyaar u tahay in ay taxadar dheeri ah ay ka muujiso ammaanka muwaadiniinta dalkeeda halka ay u safrayaan.


Wasaarada arimaha dibada Kuuriya Koonfureed ayaa sidoo kale sheegtay in muwaadiniinta ka joogga dalalkaasi looga baahan yahay in ay muujiyaan feejignaan dheeri ah.

Dowladda kuuriya Koonfureed ayaa horay muwaadiniinteeda uga digtay in ay u safraan dalka Soomaaliya.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®