SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
01/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Dhuusamareeb oo lagu Xirtay Sargaal ka tirsan Nabad Sugidda Soomaaliya

 

Warar lagu kalsoonaan karo oo aan ka helnay Magaalada Dhuuso-Mareeb Ee Gobolka Galgaduud ayaa sheegaya in Ciidamada Ahlu-sunna ay gacanta ku dhigeen Todobaad kahor Sargaal ka tirsan Ciidamada Nabadsugidda Soomaaliya oo lagu Magacaabo Daahir Aadan Faarax.

Sargalkaan lagu xiray Dhuuso-Mareen ayaan la ogeyin sababta markii hore uu utagay Magaaladaas balse hadda wararka aan helnay ayaa sheegaya in Maamulka Ahlu-Sunna ay ku doonayaan siideyinta Daahir Madaxfurasho ah Maxaabiis is weydaarsi.

Masuuliyiin ku sugan Dhuuso-Mareeb oo an la xiriirnay ayaa si hoose noogu sheegay inay doonayaan Sargaalkaan ay hayaan inay ku badashaan Maxaabiis gacanta ugu jira Maamulka Galmudug oo lagu qabtay Dagaalkii Deegaanka Godin-Labe.

Majiro war rasmi ah oo ka soo kala baxay Labada dhican ee Ahlu-Sunna iyo Galmudug oo deeganadoodu ay ka howlgalaan Ciidamda Nabadsugidda Soomaaliya.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®