SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
01/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Al Shabaab oo Askar ka tirsan Maamulka Jubaland ku soo bandhigay Duleedka Kismaayo

 


Xarakada Al Shabaab ayaa Ciidamo ka tirsan kuwa Maamulka Jubaland waxey ku soo bandhigeen Duleedka Magaalada Kismaayo ee Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Askartan oo gaaraya ilaa 3 Ruux ayaa sida la tilmaamay waxe isku dhiibeen Xoogaga Al Shabaab ee ku sugan Degaano Duleed ka ah Xarunta Gobolka Jubada Hoose.

Saraakiil ka tirsan Al Shabaab ayaa shaaca ka qaaday in ay soo dhaweeyeen Askartan isku soo dhiibay.

3-dan Askari midkood ayaa magaciisa lagu sheegay Cali Axmed Gaaboow, kaasi oo ka mid ilaalada gaarka ee Madaxweynaha Maamulka Jubaland, Axmed Maxamed Islaam (Axmed Madoobe).

Dhinaca kale, Askartan oo la hadlay warbaahinta ku hadasha Afka Xarakada Al Shabaab ayaa waxey sheegeen in isa soo dhiibidooda ay fududeeyeen Waxgaradka Degaanada Jubbooyinka.

Weli majiro wax hadal ah oo ka soo baxay Saraakiisha Maamulka Jubaland oo ay uga jawaabayaan Ciidamadan lagu soo bandhigay Duleedka Kismaayo.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®