SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
01/01/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Aqalka Sare ee Somalia oo aan Mushaar laheyn 3-da bilood ee soo socota

Wasiirka Wasaarada Maaliyadda dowladda Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim ayaa sheegay in xildhibaanada golaha Aqalka Sare aysan wax xuquuq ah aysan ku laheyn miisaaniyadda dowladda saddexda bilood ee soo socota.

Wasiirka ayaa sheegay in Miinsaaniyadii sanadkii 2016 dii lagu shaqeyn doono saddexda bilood ee socota ee sanadka 2017.

Waxaa uu sidoo kale sheegay in Aqalka Sare aysan ku jirin Miisaaniyadda dalka , madaam hadda lasoo kordhiyay.

Waxaa uu sidoo kale xusay Wasiir Fargeeti in xukuumadda ay ku shaqeyn doonto Miinsaaniyadii uu horay u ansixiyay baarlamaankii Waqtigiiso dhamaaday saddexda bilood ee soo socota.

Xildhibaanada Aqalka Sare ayaa sanadkaan ku cusub Soomaaliya , waxaana baarlamaanka Soomaaliya looga fadhiyaa in ay meel mariyaan Miisaaniyadii ay ku shaqeyn doonaan.

 

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®