Maanta
oo kale 26-kii Janaayo sanadkii 1991-dii waxay ku beegan tahay
markii xukunka dalka laga tuuray ALLAAH u naxariistee marxuum
Maxamed Siyaad Barre madaxweynihii Dowladdii milateriga aheyd
ee dalka ka talineysay muddo 21-ka sano ah, ka dib markii Jabhado
ku kacay xukunkiisa ay ugu dambeyntii caasimada kula dagaalameen
ka dibna ka saareen.
Inkastoo marxuum Maxamed Siyaad Barre lagu eedeeyn jiray inuu
ku xad gudbay arimo badan oo ay ugu horeyso diinta Islaamka,
isla markaana ay xubno ka tirsan qoyskiisa ku rakri fali jireen
awooda iyo hantida Qaranka ayaa hadana laga soo bilaabo xiligii
xoriyada la qaatay oo aheyd 1960-kii illaa ilaa xiligan burburka
aan la heynin cid qabatay wax ka wanaagsan wixii uu u qabtay
dalka iyo dadka Somaliyeed, isagoo dalka ka abuuray hanaan dowladnimo
oo dhameystiran gacan bir ahna ku jiray, waxaana waxyaabaha
lagu xusuusto Dowladaasi ka mid ahaaa waxbarasho lacag la’aan
ah min Dugsi hoose illaa heer Jaamacadeed taasoo ay adkeyd in
laga soo helo dal kale oo Afrikaan ah, ciidamo tayeysan oo mar
noqday kuwa ugu fiican qaarada Afrika, amaan buuxa oo xiligii
aad doorto socon karto iyo waxyaabo kale oo aan la soo koobi
karin.
Dhibaatooyinka ay dadka ku sheegan jireen xukunkii marxuum
MSBare waxaa ka mid ahaa caburin dhinaca xoriyatul qowlka ah,
Musuq-maasuq xarig dil lagula kici jiray cidii loo arko iney
khatar ku tahay Dowladda, iyo kuwo kale kuwaasoo sababay in
dadku ay u sacab tumaan Jabadihihii ku kacsanaa oo xiligaasi
loo arkayey kuwo keeni kara xukun furfuran oo dhaama kii kacaanka,
hase ahaatee, nasiib daro taasi ma dhicin, markii Maxamed Siyaad
la eryey waxaa uu dalku galay dagaalo sokeeye oo aan dhamaaad
laheyn markastana weji cusub oo hor la soo baxayey marxalad
cusubna fooda la sii galayey, xaalad fowdo iyo Jahwareer leh
oo illaa hadda oo ay ka soo wareegtay xiligaasi 18 sano la la’yahay
xal lagu soo celiyo Qarankii Somaliyed.
26-kii Janaayo oo ku beegan markii xukunka dalka laga tuuray
ALLAHA u naxariistee marxuum Maxamed Siyaad Barre madaxweynihii
Dowladdii milateriga aheyd ee Somalia xiligaasi dadku aad bey
ugu farxeen arintaasi, hase ahaatee maanta ku arki meysid shacabka
Somalida qof ku faraxsan arintaasi, xitaa kuwii la dagaalamay
waxay kuu sheegayaan iney ka qoomameynayaan dagaalka ay la galeen
marka loo eego wixii dalka ka dhacay markii xukunka laga tuuray
xiliyadii ka dambeeyey, waxayna maanta dadka Soomaaliyed qabaan
inay tahay murugo Waayo? Waa maalintii ugu dambeysay dowladnimo
iyo nabad, ayna soo bilaabatay dhibaatada aan dhamaadka laheyn
ee ay 18 sano ka dib weli ku jiraan.
(Dugaagaa dalka kaa baxshee… duqaanoow
dowlad waa aheed)
Abwaan Abshir bacadlle