Maqaalkan
waxa uu maskaxdeyda ku soo dhacay maalin aan ka qeybgalay munaasabad
marwooyin soomaaliyeed ay soo qaban qaabiyeen , taasoo looga
hadlayay qarash ay u soo uruuriyeen masjid laga dhisayay Muqdisho.
Waxaa hubaal ah in maalmahaan uu aad u socdo dhaq dhaqaaqa
marwooyinka Soomaaliyeed ay ku saacidayaan dadka liita , siia
dumarka jooga qurbaha .
Mar aan u kuurgalay arrintan oo baaritaan dheer aan ku sameeyay
waxtarka haweenka ayaa waxaan ku ogaaay lacagaha laga soo diro
dibadda ay 80% ay soo diraan haweenka , waayo haweenka aad bey
uga jilicsan yihiin ragga .
Oday aan deris nahay ayaa waxaa dibadda u jira shan wiil iyo
hal gabar , markastoo aan arka waxay ishedu qabataa isagoo si
gaar ah ugu duceynaya gabadha , sababta mar aan weydiiyay wuxuu
ii sheegay in gabdhiisa ay tahay mid xaaladiisa si gaar ah uga
warqabta oo uga fikirta , waxaana uu sheegay in bil waliba 30-keeda
looga yeero shirkadaha xawaaladaha midkood oo uu halkaasi ka
qaato biilka lacageed ee ay soo dirto , balse wiilasha ay lacagta
soo gaarsiiyaan bil waliba 10-keeda , iyagoo isku weydaarinaya
qaab dirista lacagta oo mid mid uu bil waliba u soo diro .
Odayga ayaa waxa uu yiri “ gabar iyo wiil maxaa isku
dhow , allah ii dhaafo gabadheyda” sidaa ayuu hadalkiisa
ku soo gunaanaday .
Arrintan ayaa waxaad ku ogaan kartaa waxtar-ka dumarka , waayo
shan wiil ayaa hal gabar uga wanaagsanaatay aabihii wada dhalay
, kadib markii ay kasbatay ducadiisa , soona jiidatay , waxaana
odayga uu u duceeyaa maalin waliba gabadhiisa .
Marwooy waxaad mudan tahay inaan ku amaano.
Waayo dalkeena burburay 19-kii sano ee ugu dambeeyay , ragga
waxba maaney qaban , haweenkuna waxay noqdeen tiirkii nolosha
iyo udub dhexaadkii qoyska , hadaba sow ma mudan in maamooyinka
loo mahad-celiyo “ Haa” wey mudan tahay .
Imisa jeer ayaad aragtay tabarucaad ama samafal loogu deeqay
dadka ku barakacay duleed-ka magaalada Muqdisho oo haweenka
ay hormuud ka yihiin ha joogeen dal ama dibad , laguma soo koobi
karo qoraal ficilada fiic fiican ee ay qabtaan hooyooyinka soomaaliyeed
“Hooyadu waa lama huraan” , si kastaba arrini ha
ahaatee waxaa qof kastaba u muuqan kara dadaalka weyn ee ay
ka geystaan samafalka iyo dib u dhiska dalka Soomaaliya .
Runtii Haweenka Soomaaliyeed ee qurba jooga ah waa ay isa soo
uruursadaan si ay uga dhimriyaan dhibta dalkooda iyo dadkooa
heysta , una gurmadaan wixii ay heli karaan, waxayna ka fikiraan
sidii allah ugu soo dabaali lahaa dalkooda Soomaaliyeed nabad
, horumar iyo dowlad loo dhan yahay .
Inkastoo arrimaha siyaasadda aaney faragelin haweena-ka Soomaaliyeed
oo aaney noqon dadkii faraha dhiigga ku yeeshay ayaa waxay noqdeen
kuwa u taagan samatabixinta qoysas badan oo ku dhawaaday inay
gaajo u dhintaan markii aabayaasha mas’uuliyadda qoyska
ka saarnaa ay wada noqdeen kuwa gabay shaqada oo fadhiid ah
sababo dagaalada weli ka soconaya dalka Soomaaliya .
Haweenka Soomaaliyeed ayaa xiliga ay ka talo dhiibtaan siyaasadda
murugsan ee Soomaaliya aaney dheg jalaq u siin siyaasiyiinta
iyo kooxaha dirirsan oo isaga sii mashquula colaada dhexdooda
u dhaxeysa.
Qorshaha haweenka ee u damqashada dadka saboolka ah ayaa ah
mid aad loo xusi karo oo aaney quluubta dadka Soomaalida ah
iloobi doonin.
Ugu dambeyntii marwooyinka soomaaliyeedow dadaalkiina sii wada
, allah ha idin abaal gudee , waa sidii hanuuniye ku heesay
“maamooy dhib baad iga soo martay , mudankaaga janno mowla
haka dhigo” aamin yaa rabi .
Waxaana ku soo gaba-gabeynayaa qormadeyda mahadsanid marwo.
Qormadan waxaa qalinka u qaatay :
Asad Abuukar Cali (Asad Yare)
Email : asadyarencc@hotmail.com
asadyarencc@yahoo.com
Muqdisho-Soomaaliya .