SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
28/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Hogaamiyaha Ahlusunna oo ku baaqday dagaal in lala galo Al-shabaab oo dhina afkaarta iyo gacanta iskugu jira

 

Hogaamiyaha Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe ee Soomaaliya Sheekh Maxamed Shaakir ayaa Muqdisho kula kulmay qaar ka mid ah Xildhibaanada Baarlamaanka Soomaaliya.

Sidoo kale Waxa uu Magaalada Muqdisho kula kulmay Siyaasiyiin Xilal kala duwan ka soo qabtay Dowladihii Dalka soo maray .

Sheekh Maxamed Shaakir ayaa Siyaasiyiintii iyo Xildhibaanadii uu la kulmay Waxa ay ka wada hadleen Xaalada Siyaasadeed ee Dalka, adkeynta amaanka guud ee Soomaaliya iyo la dagaalka Al-Shabaab.


Hogaamiyaha Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe ee Soomaaliya Sheekh Maxamed Shaakir ayaa sheegay in uu ku faraxsan yahay Kulanka uu la qaatay Madaxda Dowladda, Siyaasiyiinta iyo Xildhibanada.

Waxa uuna sheegay in ay muhiim tahay in meel loogu soo Wada jeesto dagaalka Al-Shabaab, Waxa uuna sheegay in Ahlu Sunna ay diyaar u tahay in Al-Shabaab ay la dagaalanto kana saarto degaanada ay Ahlu Sunna Maamusho.

Sidoo kale waxaa uu ku baaqay in la qaado dagaal ka dhan ah Al-Shabaab.

Maamulka Ahlu Sunna ayaa ka taliya qeybo ka mid ah Gobolka Galgaduud, waxa ayna ka soo horjeedaan Siyaasada Maamulka Galmudug oo ah Maamulka Saxda ah ee ka jira degaanada Galmudug sidoo kalena ah Maamul ay Beesha Caalamka iyo Dowladda aqoon san yihiin.

Hogaamiyaha Maamulka Ahlu Sunna ee Gobolada Dhexe ee Soomaaliya Sheekh Maxamed Shaakir ayaa Maalmahaan ku sugan Magaalada Muqdisho Waxa uuna ka qeyb galay Xaflada Caleemo saarka Madaxweyne Farmaajo.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®