SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
27/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Maamulka Gobolka Banaadir oo War Kasoo Saaray Dabkii Ka Kacay Suuqa Bakaaraha ee magaalada Muqdisho


Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada muqdisho Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) oo maanta tagay goobaha uu saakay dabka ka kacay ee suuqa Bakaaraha ee Magaalada muqdisho ayaa baaq u diray shacabka Soomaliyeed.


Gudoomiyaha ayaa kaga mahadceliyay shacabka Soomaliyeed si ay ugu qeyb qaateen daminta dabka baa’bi iyay hanti badan ay lahaayeen dad Soomaliyeed, wuxuu sidoo kale u mahadceliyay Ciidamada amaanka Dowladda Soomaliya oo si wanaagsan u sugay amniga suuqa.

“Runtii waxaa ka kacay Suuqa Bakaaraha dhanka Suuqa Khaliifa dab geystay qasaaro hantiyeed, waxaa lagu bixiyay dadaal aad u sareeyo oo lagu damiyay dabka mahadaas oo dhan waxa ay u sugnaatay Shacabkii ka qeyb qaatay daminta dabka”, ayuu yiri Gudoomiyaha Gobolka Banaadir.

Sidoo kale Gudoomiyaha Gobolka Banaadir ahna duqa Magaalada muqdisho Shiikh Yuusuf Xuseen Jimcaale(Madaale) ayaa sheegay in wax laga badali doono qaabka dhismaha goobaha Ganacsiga Suuqa Bakaraaha islamarkaana talaabadaas la qaadi doono maalmaha soo socda.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®