SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
27/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

20-ka Bisha March oo ay dhaceyso doorashada Madaxweynaha Galmudug

 

Iyadoo shalay Madaxweynahihii Dowlad Goboleedka Galmudug C/kariin Xuseen Guuleed uu ku dhawaaqay inuu iska casilay xilkii Madaxweynenimada Galmudug Sababo la xariira xaga caafimaadkiisa ayaa xildhibaano ka tirsan Galmudug waxaa ay sheegeen in ay doonayaan in ay qaban qaabiyaan doorashada Madaxweynaha Galmudug.

Xildhibaan Faysal Axmed Cabdulle oo ka mid ah xildhibaanada Galmudug ayaa Risaala u sheegay in ay doonayaan in doorashada Madaxweynaha Galmudug in ay dhacdo 20 Bisha March ee sanadkaan 2017-da.

Sidoo kale waxaa uu tilmaamay in doorashada ay qaban qaabin doonaan xildhibaanadii horay u sheegay in ay xilka ka qaadeen Madaxweyne Guuleed.

Waxaa uu xusay in Musharaxiin badan oo u taagan xilka Madaxtinimada Galmudug in ay soo gaareen Magaalada Cadaado.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®