SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
27/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Madaxweyne Farmaajo oo saldhiga Military ee Imaaradka ka dhisaneyso Berbara kala hadlay Sacuudiga

 

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayaa ka dalbaday dhex dhexaadnimo ay ka sameyso Sacuudiga sidii ay ugu qancin lahayd dowladda Isku taga Imaaradka Carabta in aysan dhamaystirin saldhig militry ay ka dhisato Dekada Barbera ee maamulka Somaliland.

Warbixintaan ayaa lagu daabacay barta jariidada Riyad Post ee kaso baxda Sacuudiga waxana ay soo xiganaysa mas’uul ka tirsan xukuumadda oo ka kamid ah wafdigii u raacay madaxweyne Farmaajo dalka Sacuudiga booqashadii rasmiga aheyd uu ku tagay waxana uu shaaca ka qaaday in Farmaajo uu mas’uuliyiinta Sacuudiga uu ka dalbaday inay ku qanciyaan dowladda Imaaradka inaysan wax hormar ah ka sameyn qorshaheeda ku aadan inay saldhig militry ka dhisato deganada maamulka Somaliland ee doonaya inay madax banaani Soomaaliye inteedi kale ka qaataan.

Warbixinta ayaa muujinaysa in Farmaajo uu arimahaasi kala hadlay ee saldhiga Militry ee Imaaradka ku xigeenka dhaxal sugaha Sacuudiga Amiir Maxamed Bin Salman Bin Cabdi Casiis waxana goob joog ka ahaa wasiirka arimaha dibada Sacuudiga Cadil Axmed Al-jebeyr iyo mas’uuliyiin sar sare oo boqortooyada ka tirsan.

Madaxweyne Farmaajo ayaa ka faaideysanaya xirirka adag ee u dhaxeeya Sacuudiga iyo Imaaradka si Imaradka uga tanasulo saldhiga Militery ee Berbara ka hirgalainayo kadib marki Barlamanka Somaliland ay ansixiyeen heshiiska Somaliland iyo imaaradka ee quseeya dhismaha saldhiga taa oo ay madaxda Soomaaliya ka carootay kuna tilmaamen inaysan ahayn mid sharci ah.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®