SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
27/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Magaalada Cadaado oo Dooneysa in ay Marti Galiso Olalaha Doorashada Madaxweynaha Cusub ee Galmudug

 

Magaalada Cadaado ee caasimada KMG ee Maamulka Galmudug waxaa ka socda kulamo xasaasi ah oo loogu hadlaayo doorashada Madaxweynaha Cusub ee Maamulkaas, kadib markii shalay uu iscasilay C/kariin Xuseen Guuleed.

Cadaado waxaa ka socda kulamo gooni gooni oo ay yeelanayaan Xildhibaanada Baarlamanka Maamulka galmudug, intooda badan waxaa diirada lagu saarayaa sidii loo qaban qaabin lahaa doorashada Madaxweynaha Cusub ee Galmudug.

Xildhibaanada ayaa ku kala aragti duwan Musharaxiinta u taagan qabashada xilka maamulka Galmudug, waxaana la soo sheegayaa in Xildhibaanada ugu badan ay wataan Ex Xildhibaan Axmed Ducaale Xaaf.

Xildhibaanada Baarlamanka Maamulka Galmudug qaar ayaa ku doodaaya in Axmed Ducaale Xaaf uu mudan yahay xilka Hogaamiyaha Galmudug isla markaana ay codka siin doonaan, halka qaarna ay wataan Musharaxiin saacadihii ugu danbeeyay shaaciyay inay u taagan yihiin booska uu faarujiyay C/ariin Guuleed.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®