SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
26/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Mareykanka oo kordhinaaya Weerarada uu ku qaadaayo Al-Shabaab

 

Wasaaradda Gaashaandhigga Dowladda Mareykanka ayaa sheegtay in ay doonayso in ay sare u qaado dagaalada iyo sidoo kale Weerarada lagu qaadaayo dagaalyahanada Xarakada Al-Shabaab ee howlgala Soomaaliya.

Sarkaal ka tirsan Waaxda Difaaca dowladda Mareykanka ayaa sheegay in ay qorshaynayaan in ay kordhiyaan dagaalka lagula jiro Al-Shabaab , waxaana uu sheegay in taasi ay timid ka dib markii ilaha Sirdoonka dowladda Mareykanka ay soo gudbiyeen Khataro badan oo kusoo wajahan Mareykanka oo ay maleegayaan Al-Shabaab.

Taliska Ciidanka dowladda Mareykanka ee Qaarada Afrika ayaa u baahan in uu ogolaansho ka helo Madaxweynaha dowladda Mareykanka si ay u kordhiyaan dagaalka lagula jiro dagaalyahanada Al-Shabaab.


Waxaana ay sheegeen in Madaxweynaha dowladda Mareykanka laga doonaayo in bixiyo ogolaansho ku aadan kordhinta weerarada lagu qaadayo Al-Shabaab.

Thomas Waldhauser, oo ah Madaxa Ciidanka Mareykanka ee Afrika ayaa sheegay in Soomaaliya ay ka mid ah tahay meelaha u baahan in la kordhiyo Weerarada lagu qaadayo Argagixisada.

“ Soomaaliya waa mid ka mid ah dalalka Qaarada Afrika , waxaana dalka ugu adag ee aan ka fulino Weerarada aan ku beegsaneyno Argagixisada” ayuu yiri Thomas Waldhauser.

Dowladda Mareykanka ayaa ka mid ah dowladaha dagaalka kula jira Al-Shabaab , waxaana inta badan ay beegsataan goobaha Fariisinka u ah Xarakada Al-Shabaab.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®