SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
26/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabeelle oo Mgaalada Jowhar Gaaray

 

Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle, waxaa goor dhaw gaaray Gudoomiyaha Baarlamaanka Maamulka Hirshabelle iyo Wafdi Xildhibaano ah uu hogaaminaayay, kuwaasi oo ka ambabaxay Magaalada Muqdisho.

Shiikh Cismaan Barre, Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle, ayaa safarkiisa wuxuu ahaa mid deg deg ah, maadaama Xildhibaanada Hirshabelle ay aad ugu kacsan yihiin Madaxweyne Cosoble.

Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle oo Saxaafadda kula hadlay Garoonka Diyaaradaha Jowhar, ayaa wuxuu sheegay in shaqooyin badan ay horyaalaan Baarlamaanka Maamulka, islamarkaana laga doonaayo inay Xildhibaanada qabtaan shaqooyinkaasi.


Gudoomiyaha Baarlamaanka Hirshabelle, ayaa si dadban u soo hadal qaaday khilaafka siyaasadeed ee ka taagan Xildhibaanada dhexdooda oo ku aadan sida ay ugu kacsan yihiin Madaxweynaha.

Waxa uu sheegay Xildhibaanada in laga doonaayo inay isdejiyaan, islamarkaana ay eegaan danaha dadka shacabka ah.

Xildhibaano ka tirsan Baarlamaanka Hirshabelle oo si aad ah uga careysan magacaabistii Golaha Wasiirada Hirshabelle, ayaa qaban qaabinaya mooshin ka dhan ah Madaxweyne Cali Cabdulaahi Cosoble.

Xiisad siyaasadeed oo kacsan ayaa ka taagan Magaalada Jowhar ee xarunta Maamulka Hirshabelle.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®