SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
26/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Madaxweynha maamulka Puntland ooIsku shaandheyn ku sameyndoona Xukuumaddiisa

 

Madaxweynaha Maamulka Puntland Cabdiwali Maxamed Cali Gaas ayaa isku shaandheyn ku sameyn doona golaha Wasiirada maamulkaaasi ayay sheegeen ilo ku dhow Madaxtooyada Puntland.

Isku shaandheyntaan ayaa bilihii lasoo dhaafay soo jiitamaysay , waxaana Madaxweyne Gaas maalmaha soo socda uu sameyn doonaa isku shaandheynta.

Magaalada Boosaaso ayaa waxaa uu kulamo kala duwan kula qaadanaya Waxgaradka Puntland , isagoona kala hadlaya isku shaandheynta iyo sidoo kale qaabka ay u dhici doonto.

Madaxda ugu Sareysa Puntland ayaa xalay ilaa iyo shalay kulamo gooni gooni ah kulahaa Magaalada Boosaaso.

Magaalada Boosaaso hadda waxaa ku sugan Madaxweynaha Puntland, Madaxweyne ku xigeenka iyo sidoo kale Gudoomiyaha Baarlamaanka Puntland.

Golaha Wasiirada Puntland ayaa la rajeynaya in ay kusoo biiraan Wasiiro cusub ,halka kuwo kalena ay xilka waayi doonaan.

Madaxweynaha Puntland ayaa dhaliil xooggan kala kulmaya Siyaasiyiin uu ka mid yahay Madaxweynihii hore ee maamulka Puntland Cabdiraxmaan Faroole oo hadda ku sugan Magaalada Garoowe.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®