SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
25/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Madixii Guddiga Doorashadda Kenya Oo La-Taliye U Noqanayo Guddiga Doorashadda Ee Somalia.



Madixii hore ee Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashadda iyo Xuduudaha Kenya ee (Independent Electoral and Boundaries Commission), Isaaq Xasan ayaa shalay soo gaaray magaalladda Muqdisho, si uu La-taliye hoggaamin Guddiga Doorashadda Dadban ee Somalia.

Qoraal uu soo dhigay Bartiisa Facebook ayuu ku sheegay inay tahay markii ugu horreysay ee uu Safar dibedda uga soo baxo Kenya, tan iyo markii uu xilka Madixii hore ee Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashadda iyo Xuduudaha Kenya ee (IEBC) ku wareejiyey Wafula Chebukati bishii January 20-dii ee sannadkan.

Waxa kale oo uu Isaaq Aadan ku qoray Facebook-iisa in La-talinta uu kaga hawl galayo Somalia tahay sidii loo horumarin lahaa Qorshaha Istaraatijiyadda iyo Hawlgalladda kale.


Dhinaca kale, Madixii hore ee Guddiga Madaxa Bannaan ee Doorashadda iyo Xuduudaha Kenya ee (Independent Electoral and Boundaries Commission), Isaaq Xasan waxa isaga iyo xubnaha kale ee Guddigaasi lagu eedeeyeey Musuq iyo inay Dowladda Kenya kala shaqeynayaan sidii ay ugu guuleeysan lahaayeen Doorashadda Guud ee dalkaasi ka dhici doonta bisha August 8-da ee sannadkan.

Eedeyntaasi ayaa sababtay inay isaga iyo Kooxdiisa xilka iska casilaan bishii Octobeer ee sannadkii hore, waxayna is-casilaadooda u muuqataa guul ay gaareen Isbahaysiga CORD.

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®