SADDEX SANO OO SAXARIIR AH (2012-215)(Riix) 15.09..2015
Waa laga Maarmaan Xiligaan Posto Rosso (Bashqadii Guduudneyd)(Riix) 11.09..2015
Guryo Noqoshadaydii Muqdisho(Riix) 02.09..2015
HOWL NINKEEDII HADAAFOW YAHAY YAA HORMARIN KARA??(Riix) 25.08..2015
22/02/2017
kala soo xiriir webmaster@falaar.com

Turkey oo Kenya ka caawinaya la dagaalanka Al Shabaab.

 


Dowladda Turkiga ayaa shaaca ka qaaday in Dowladda Kenya ay ka taageereyso ka hortaga Weerarada Xoogaga Al Shabaab ay ka geystaan qeybo ka mid ah Dalkaasi.

Mas’uul ka tirsan Dowladda Turkiga ayaa waxuu sheegay in Xukuumadda Ankara ay markan u istaagi doonto sidii Kenya looga caawin la haa Dagalka ka dhanka ah Xarakada Al Shabaab.

Sidoo kale, Turkiga ayaa u balan qaaday Dowladda Madaxweyne Kenyatta in wax badan ay ka qaban doonaan arrimaha la xiriira dhibaatooyinka ay wajahaan Qaxootiga.

Taha Ozhan oo ah Ku Xigeenka Xasbiga Cadaallada iyo Horumarka Dalka Turkiga, ayaa xusay in uu kala hadlay Madaxda Dalka Kenya, sidii wax badan uu Turkiga uga qaban la haa amaanka iyo Qaxootiga.

Ugu dambeyn, Madaxda Kenya ayaa sidoo kale lagu wargeliyay in ay xiraan Iskuulo sida la sheegay hoostaga Wadaadka caanka ah ee Fetullah, kaasi oo la aaminsan yahay in uu soo qorsheeyay Afgambigii fashilmay ee ka dhacay Dalkaasi Turkiga.

 

HOME

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com
Xafiiska Wararka
www.falaar.com

kala soo xiriir
webmaster@falaar.com

falaar1@hotmail.com
falaar.com@hotmail.com

Falaar.com 2008 © Arrow Online.com 2013®